Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga oo Maanta Al-shabaab kala wareegay degaano hor leh

Ciidanka xoogga dalka ayaa Maanta dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay gacan ku haynta degaannada Daynuunaay iyo Moodo moodo oo katirsan Gobalka Baay, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka Baydhabo iyo Buur-hakaba.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka qeybta 60Aad ayaa sheegay in ay guud ahaan xaqiijiyeen Amniga labada deegaanka, isla markaana laga saaray Shabaabkii joogay halkaas.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaas waxaa ay kusii dareen in ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa miino baarista ay degaanka ka wadaan howlgalo miinooyin dhulka looga saarayo.

Al-shabaab ayaa maalmo kahor dagaal xooggan kula wareegay deegaanka Deynuunaaye oo ay ku sugnaayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaas ka dhacay dagaal khasaaro farabadan dhaliyey.

Exit mobile version