Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan oo soo gaba-gabeeyay socdaalkii Masar, kuna soo laabtay dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda aan saaxibka nahay ee Masar ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa inta uu socday kulankooda isla hadal qaaday xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Exit mobile version