Site icon HORUFADHI MEDIA |

Hirshabeelle oo shaacisay in Al-shabaab horleh u gudbeen Dowlad Deegaanka

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al-shabaab ka gudbeen xadka Soomaaliya, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xaqiijiyay in dagaalyahano badan oo katirsan Al-shabaab u gudbeen dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida, mana sheegin guddoomiyaha halka ay saldhigteen dagaalyahanada xadka ka gudbay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan dagaalyahanada Al-shabaab ee xadka ka gudbay gaarayaan ku dhawaad 200 oo dagaalame, sida uu kasoo xigtay dad ku sugan xadka oo arkay Shabaabka gudbay.

Dagaalyahanadan ka tirsan Al-shabaab ee u gudbay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa imaanaya xlli dhawwaan koox katirsan Al Shabaab galeen gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka halkaasna uu ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay.

Exit mobile version