Laascaanood ( HM )-Sheeko caan ah oo ka dhacday qarniyadii hore dalka Ciraaq ayaa waxay ahayd nin reer baadiye ah ayaa soo galay Dukaan uu leeyahay nin kabe tole ah oo lagu magacaabi jiray Xunayn, ninkaas reer Baadiyaha ahi wuxuu watay Awr adeeg badani u saaran yahay, ninkii Acraabiga ahaa waxaa cajabiyey kabaha Xunayn sameeyo, hasa yeeshee Bakhayl ayuu ahaa qiimihii loogu sheegay kabihii ayuu u arkay qaali, muddo dheerna Xunayn wuu mashquuliyey dad badan oo u soo galay oo wax ka iibsan lahaana way ka noqdeen, isaga oo aan waxba iibsan ayuu ninkii reer baadiyaha ahaa Dukaankii Xunayn ka baxay.
Xunayn wuxuu ka xanaaqay ninkan aan waxba ka iibsan ee dadkiina ka baaciyey, wuxuu go’aan ku gaadhay in uu Awrkaa iyo waxa u saaranba kala wareego, kabo qurux badan oo Acraabigu aad u baayacayey ayuu soo qaaday, ninkii ayuu hormarto ku sameeyey, kab ayuu waddadii u dhigay, ninkii Awrka watay kabtii ayuu arkay intuu eegay ayuu yidhi waa kabihii quruxda badnaa ee Dukaanka Xunayn yaalay, waa gashaday kabtii kolkuu arkay in ay le’egtahay ayuu kabtii kale raadiyey muddo kolkuu raadinayey ee uu waayey ayuu halkeedii dhigay isaga oo leh kab kaliyi maxay ku tari, safarkiisii ayuu sii anba qaaday, xoogaa markuu socday ayuu kabtii kale arkay, markaas ayuu go’aan saday in uu degdeg ugu noqdo tii hore, Awrkii ayuu halkii kaga tagay , Xunayn oo xaaladda la socdeyna Awrkii ayuu kaxaystay.
Ninkii reer baadiyaha ahaa markuu kabtii kale soo helay wuxuu ku war helay Awrkii oo lala tagay, wuxuu or-ordaba muddo wuu samray wuxuuna sii watay safarkiisii, markuu reerkiisii ku noqday ee la waraystay wuxuu u waramay waxa ku dhacay , iyo in uu hanti wado kabihii Xunayn, waxay noqotay maahmaah “hebel wuxuu la soo noqday Kabihii Xunayn”.
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir”Faratoon” wuxuu yidhi safar dheer ka dib waan idiin soo noqday, Faratoon marka loo eego xaaladda taagan dhawr meeloodba Kabahaa ayuu ka sidaa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
1. Siyaasadihii uu aaminsanaa 30kii sano ee ugu danbaysay.
2. Wasaaraddii arrimaha dibadda ee Maamulka “Somaliland” ee loo magacaabay 11.2018, oo aanu waxba ku soo kordhin maamulkii islahaa isbadel ayaa ku imaankara aqoon raadiskii.
3. Waxaaba hadda halis ku jira deegaano badan oo seerayaal laga qorshaynayo oo khataro ka soo socoto, 2004tiina isbadelo badan ayuu hormuud ka ahaa aanay isaga iyo jiilasha danbe mahadin doonin.
Waxaa Qoray : Asad Cadaani Ibraahim