WARARKA SOOMAALI

Yaa kusoo baxay kursigii Golaha Shacabka ay ku fadhiday Marxuumad Aamina?

By xuseen waashitoon

May 06, 2022

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay soo gaba-gabeysay doorashada kuraasta  Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee taalla Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna Caasimadda Maamulka, waxaana kursigii ugu dambeeyay uu noqday kursiga HOP135.

Doorashada kursiga Golaha Shacabka ee HOP135 oo xili dambe xalay dhacday ayaa waxaa ku tartamay saddex Musharax oo kala ahaa Amran Xuseen Isaaq, Maxamed Aadan Daahir iyo Maxamed Nuur Xuseen, kuwaasi oo loo diiwaan-geliyay tartanka doorashada.

Guddiga doorahada Hirshabeelle ayaa shaaciyay in doorashadii dhacday uu ku guuleystay Maxamed Aadan Daahir oo kusoo baxay kursiga HOP135 oo ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Maamulka Hirshabeelle ayaan gebi ahaanba soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Jowhar, waxaana kursigii ugu dambeeysay kusoo kala baxay Maxamed Aadan.