WARARKA SOOMAALI

Yaa kusoo baxay Doorashada kusrigii Xildhibaanimo ee uu baneeyay RW Xamse Barre?

By xuseen waashitoon

February 15, 2023

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maanta oo Arbaco ah ka dhacday doorashada kursiga Xildhibaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee tirsigiisu yahay Hop#203.

Doorashada kursigaas uu baneeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ku tartamayey laba musharax oo kala ahaa Cabdullaahi Maxamed Cabdi iyo Xasan Hurre Ugaas, iyadoona doorashada ay aheyd mid gacan taag ah.

Xasan Hurre Ugaas ayaa ku guuleystay oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hop#203, kadib markii uu helay 88 Cod, isagoona qaab gacan taag ah loogu coddeeyay, waxaana tartanka doorashada isaga haray oo ka tanaasul sameeyay Cabdullaahi Maxamed Cabdi.

Guddiga doorashada heer federaal ayaana shaaciyay in doorashada kursiga uu horey ugu fadhiyay Xamsi Barre uu ku guuleestay Xasan Hurre Ugaas, oo la filayo in dhawwaan si rasmi ah loogu dhaariyo kamid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada kursigan ayaa noqoneysa kii labaad ee la qabto tan iyo dhismaha dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh,  dhawwaan ayaana la filayaa in iyana la qabto doorashada kursigii Xildhibaanimo ee horey loogu diiday Fahad Yaasiin .