HORUFADHI MEDIA |

Xuutiyiintii Yeman oo ku hanjabay inay dhulka soo dhigayaan Diyaaradaha imaaraadka Carabta.

Laascaanod  ( HM ) Kooxda Xuuthiyiinta oo sheegatay inay fulisay weerarkii Sabtidii lagu qaaday labo xarumo shidaalka laga soo saaro ee dalka Sacuudiga ayaa Arbacadii Hanjabaad cusub u diray dowlada Imaaraatiga ee xulafada kula ah Sacuudiga dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Afhayeenka Militariga ee Xuuthiyiinta Yehia Sarea oo shalay shir jaraa’iid qabtay ayaa jawaab u diray dowlada Sacuudiga oo iyaduna shalay soo bandhigtay natiijada baaritaanka hordhaca ah ee weeraradii Sabtidii oo ay Boqortooyada Sacuudiga ku eedaysay dowlada Iran.

Yehia Sarea ayaa sheegay in iyagu yihiin kuwa fuliyey weerarka isla markaana ay hubka ay sameysteen awood u leeyahay inuu duqeeyo magaalooyinka fog fog ee wadanka Sacuudiga, wuxuuna digniin cusub u diray dowlada Imaraatiga oo uu sheegay inay hada dhankooda isha ku hayaan.

“Goobo badan oo ku yaal magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi ayaan isha hada ku heynaa,waxaana u sheegaynaa dowlada Imaaraatiga inay isaga baxdo dagaalka Yemen, hadii kale ha ogaadaan Daaraha Dhaadheer ee dhalada ka sameysan ma xamili karaan weerar hal Drone ah” ayuu yiri afhayeenka kooxda Xuuthiyiinta oo sheegay in diyaaradahooda droneka ay goobo fog wax ka duqeyn karaan.

Exit mobile version