Shirkii Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa maalintii koowaad soo gaba-gaboobay.
Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shirka maalintiisii koowaad kusoo gaba-gaboobay Jawi is-faham ah, isla markaana Madaxda si wanaagsan u doodeen.