WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda oo Guddi u magacaawday Banaanbaxa Midowga Musharaxiinta

By Xuseen Post

March 02, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Hotelka Decale ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo daba socday heshiiskii dhawaan ay gaareen Musharaxiinta iyo Xukuumadda ayaa waxaa lagu dhameystirayay heshiiskaas oo markii hore ahaa mid af-garad ah, waxaan inta uu kulanka socday la magacaabay Guddiyo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa guddiyo u magacaabay qabanqaabada bannaanbaxyada Midowga Musharraxiinta iyo Baaritaanka Dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021.

Eng. Rooble ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in dhammaan loo midoobo marxaladdan muhiimka u ah dowladnimada dalka, wadajirna lagu wajaho duruufaha siyaasadeed iyo caafimaad

Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga loo saaray qaban-qaabada Banaanbaxa Musharaxiinta.

1-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Xasan Xundubay Jimcaale

2-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)

3-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)

4-Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

5-Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle

6-Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow