WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda balan qaaday inay xalineyso khilaaf ka taagan Hirshabeelle

By Xuseen Post

May 29, 2021

Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay ka qeyb qaadan doonaan xalka garista cabashada ay Maamulka Hir-Shabeelle ka qabaan Shacabka ku nool degaannada Gobolka Hiiraan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in la xalin doono cabashada dad ka ku nool Gobolka Hiiraan , isla markaana diyaar loo yahay in xal laga gaarao.

Wasiirka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maamulka Hir-Shabeelle ku garab istaagi doonto sidii looga jawaabi lahaa cabashada Bulshada Gobolka Hiiraan,

Al-cadaalla ayaa sheegay in xalinta tabshada ay la kaashan doonaan Golaha wadatashiga qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboled & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Tan iyo markii Magaalada Jowhar lagu qabtay doorashadii ay kusoo baxeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo kuxigeenkiisa ayaa waxaa cabasho kasoo yeereysay Bulshada ku nool Gobolka Hiiraan, waxaana taasi ay keentay in Magalada Beledwyene loo diido in uu tago Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.