WARARKA SOOMAALI

Xukuno Maanta lagu riday Askar ku lug laheyd Weerarkii ka dhacay Muqdisho

By xuseen waashitoon

May 22, 2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta waxa ay xukuno dil toogasho ah iyo xabsi ku riday Askar ka tirsan ciidanka Booliska dowladda oo ku lug lahaa weerar dad badan ku dhinteen oo 27-kii Febaraayo ee sanadkaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay afar kamid ah Askartii joogtay Barta koontarool ee Isgoyska Siinaay ee Muqdisho, xilligii uu dhacayay weerarka, kuwaasi oo lagu helay dembi ah inay ka danbeeyeen weerarkii dadka ku dhinteen ee dhacay.

Weerarka ayaa lagu qaaday Gaari uu la socday guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud fargax, waxaana weerarkaasi sidoo kale lagu dilay askar ilaalo aheyd iyo dad shacab ah.

Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Askari Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro oo lagu helay in qoray dhashiike ah  ku dilay lix qof oo shacab, halka Axmed Mire Cismaan , Maxamuud Cabdi Maxamed iyo Cabdullaahi Cismaan Isaaq iyana lagu riday xukun dil ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa min shan sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Ayaanle Maxamed Diiriye  iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid kamid ah uu riday xabadii ugu horreysay, halka kan kalana uu isku dayay marin habaabinta garsoorka.