WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Xukun lagu riday Askari dilay Rag dhallinyaro ah oo ku sugnaa goob…

By xuseen waashitoon

December 22, 2021

Maxkamada darajada kowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta  dil toogasho ah ku filisey dable Nisa Maxamed Cali Xuseen oo ku edeysnaa dilka labo wiil oo dhalinyaro ah oo la dilayay xilli ay ku sugnaa goob Kubadda Cagta lagu ciyaarayay kuna taal degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Maxkamada ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiska xukunsanha,iyadoo ugu dambeyn 9-Bishaan Decembar Xukunkiisa uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada qeybta 27aad ee Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdule.

Goobta lagu fulinayay xukunka dilka waxaa gobjoog ahaa saraakiil ka socotay xafiska xeer ilaalinta maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee ka howlgasha degmada Baladxaawo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA