WARARKA SOOMAALI

Xogta laga helay khasaaraha Weerarkii Al-shabaab ku qaaday degaanka Qaayib

By xuseen waashitoon

November 26, 2022

Macluumaadyo dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay qaraxyada ku bilowday ee maleeshiyaadka Al-shabaab ku qaaday deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Tirada dhimashada weerarkii dhacay Qaayib ayaa gaartay 26 oo ku jiraan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa daraawiishta Maamulka Galmudug iyo dadka deegaanka, sida ay xaqiijiyeen Illo loo qaateen ah.

Dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay isbitaalo ku yaalla magaalooyinka Baxdo iyo Cadaado, oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dhaawacyada halista ah loo soo qaadayo magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ee shalay weerartay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray jab xoog leh, iyadoo uu ka fashilmay qorshahoodii weerar ee deegaankaas ay doonayeen inay ka fuliyaan.

Ugu yaraan 30 dagaalame ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab looga dilay Qaayib, sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala.