WARARKA SOOMAALI

Xogta Doorashooyin iska soo horjeeda oo Maanta ka dhacay Muqdisho

By xuseen waashitoon

February 22, 2023

Doorashooyin iska soo horjeeda ee guddoonka xiriirka kubadda Cagata Soomaaliyeed ayaa Maanta siyaabo kala duwan uga dhacay hotelo ku yaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii xal loo waayay khilaaf ka taagnaa doorashada hoggaanka.

Doorashada koowaad ayaa ka dhacday Hotelka Jazeera, waxaana xilka Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagata Soomaaliyeed loogu doortay qaab gacan taag ah inuu noqdo Aadan Xaaji Yarabow Wiish iyo ku-xigeenkiisa.

Doorashada labaad oo ka dhacday hotelka Elite ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagata Soomaaliyeed loogu doortay Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), waxaana doorashooyinkii dhacay ka qeyb galay xubno ka tirsan bahda ciyaaraha dalka.

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa horey uga digtay khilaafka hareeyay doorashada xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya, iyadoona xal u helida arrintaan uu ku guuldareystay Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya oo dadaalo sameeyay.

Dowladda Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa laga sugayaa go’aankooda ku aadan doorashooyinka maanta iska soo horjeeday ee ka kala dhacay magaalada Muqdisho, lamana oga in dhinac ay taageeri doonaan iyo in kale.