Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xogta Ciidamadii ay ka cabsanayeen Deni iyo Axmed Madoobe oo Dhuusamareeb laga soo qaaday.

Muqdisho (HM)-Ciidamada Booliska Haramcad oo ay dowladda Federaalka geysay caasimadda Galmudug ayaa maanta laga soo qaaday iyadoo la fulinayo shuruud la sheegay iney ka timid madaxweynayaasha labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland oo Cabsi Xoogan ka Qabay Ciidamada Haramcad.

Ciidamo ka badan 100 Askari oo ka tirsan Ciidamad Haramcad ayaa diyaarad loogu soo qaaday, magaalada Muqdisho, Waxayna ciidanku ka qeyb qaateen xasilinta amniga magaalada Dhuusamareeb, waxeyna ka shaqeeyeen iney doorasho ka dhacdo caasimadda taasoo uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maamulka Galmudug ayaa dhabarka u ritay inuu marti soor u noqdo shir ay yeelanayaan shanta maamul goboleed ee hoos yimaada dowladda Federaalka, waxeyna arintaan gogol xaadh u tahay in la isugu yimaado shirka Amniga qaranka ee looga hadli doono arrimaha doorashooyinka, xasiloonida iyo dhameystirka dastuurka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata inay muujisay Tanaasul, maadaama uu dalku uu Wajahayo Arimo Doorasho, loona baahan yahay Tallo loo dhan yahay, Midnimo iyo Tanaasul dhinaca Siyaasadda ah.

Horufadhi News

Exit mobile version