WARARKA SOOMAALI

Xoghayaha Ururka OIC oo kulan la yeeshay Wasiirka A/Dibadda DFS

By xuseen waashitoon

October 20, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Xoghayaha Ururka Iskaasdhiga Islaamka Dr Xuseen Ibraahim Taah.

Wasiirka iyo Xoghayaha ururka OIC,waxa ay kulankaasi kaga hadleen doorka ururkaasi uu ku leeyahay wadamada islaamka iyo kaalinta uu ka qaadan karo horumarinta barnaamijyada samofal iyo kuwa horumarineed,gaar ahaan Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Ku xigeenka ergayga joogtada Soomaaliya eeĀ  ururkaasi C/raxiin Cismaan Cilmi,isagoo ka warbixiyay dadaalka dowladda iyo howlgallada looga horjeedo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa booqasho ku tagay xarunta Qunsuliyadda Soomaaliya ee Magaalada Jiddah.