Site icon HORUFADHI MEDIA |

XOG:-Madaxweyne Farmaajo oo xaalad halis ah uga baaqday Munaasabad ka dhacday Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oo helany ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maalmo kahor ka baaqday Munaasabad lagu qabtay Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Xog rasmi ah oo ay heshay Shabakadda Horufadhimedia ayaa sheegeysa in sababta Madaxweyne Farmaajo uga baaqday Munaasabadda oo aheyd mid ay ku Qalin jebinayeen Arday dhammeeysatay Jaamacadda umadda Soomaaliyeed ay tahay arrimo la xiriira dhanka amniga, kadibna uu ka baaqday Munaasabadda.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in habeenkii sabtida sii baxeysay lagu wargeliyay inuu kasoo qeyb galo Munaasabadda Qalin Jebinta Ardayda oo ka dhacday Xarunta Tiyaatarka, isla markaana Farmaajo markii dambe uu aqbalay arrintaas.

Saraakiil dhinaca amniga u qaabilsan Madaxweyne Farmaajo oo subaxnimadii hore ee Axadda tegay Tiyaatarka Qaranka ayaa helay xog sheegeysa in goobta ay ka jirto xaalad halis oo laga cabsi qabo inuu qof isku soo xiray waxyaabaha Qarax uu isku dhex qarxiyo inta ay socoto Munaasabadda iyo falal amni darro oo dhici karay.

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha lagu wargeliyay inuu ka baaqdo Munaasabadii uu kasoo qeyb geli lahaa sababo la xiriira dhanka amniga, waxaana markii dambe Farmaajo uu wacay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh C/raxmaan una sheegay inuu ka qeyb galayo Munaasabad dhaceysa Tiyaatarka Qaranka, uuna aqbalay.

Ciidanka Ilaalada Madaxweyne Farmaajo ee loo yaqaano Koofiya Casta oo subaxnimadii hore ee Axadda xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Tiyaatarka, waxaana xiritaanka dhibaato ka muujinayay shacabka, wallow markii dambe la furay.

Si kastaba Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu horey sidaan oo kale sababo amni uga baaqday Munaasabaddo waaweyn oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay Ilo-wareedyo kala duwan.

Exit mobile version