Site icon HORUFADHI MEDIA |

XOG laga helay kulankii Musharax Kheyre iyo Wasiirka A/Dibadda Ruushka

Magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka ayaa maalmo kahor Safar qorsoodi ah ku tegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ahna Musharax Madaxweyne xilka Soomaaliya.

Kheyre ayaa shalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Ruushka Sergey Lavrov, kaasi oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen, sida laga soo xigtay dilomaasiyiin Soomaali ah.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Doorashada dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/21 iyo xoojinta xiriirka dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.

“Waxaan kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo.” ayuu ku soo daabacay bartiisa Musharax Kheyre.

Dowlada Ruushka ayaa hore waxa ay taageere siin jirtey dowlada Soomaaliya hase yeeshee sanadihii la soo dhaafay ayaa saameynta xukuumada Ruushka ee dalka Soomaaliya uu ahaa mid aad u hooseeyay.

Lama oga saameynta ay dowlada Ruushka ku yeelan doonto ololaha Doorashada Madaxweynaha dalka Soomaaliya, iyadoo haatan weli uu khilaaf ka taagan yahay guddiga doorashada ee magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya.

Exit mobile version