HORUFADHI MEDIA |

Xog ku saabsan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo loo Magacaabay Bank dhexe ee Soomaaliya..

Muqdisho ( HM) Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Maxamed C/llaahi, kaasoo magacaabidiisa ku yimid Guddi loo xil saaray xulidiisa oo ka tirsan Golaha Wasiirada.

C/raxmaan Maxamed C/llaahi  Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa uu leeyahay khibrad dhinaca maamulka Dhaqaalaha iyo Bankiyadda.

Waxaa uu labadii sano ee la soo dhaafay ahaa La Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxuuna deegaan ahaan kasoo jeedaa magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Magacaabidan Muwaadinkan ee xilka Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe ayaa meesha ka saareysa hadal heyntii ku saabsaneyd in xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabayo nin Ajnabi ah, kaddib markii Baarlamaanka ay horaantii sanadkan wax ka bedel ku sameeyeen wax ka bedelka Xeerka Baniga Dhexe.

Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo magacaabay ayaa ka guuleystay ilaa 140 qof oo xilkaas soo codsaday.

Exit mobile version