WARARKA SOOMAALI

XOG:-Xisbigii Nabad iyo Nolol oo la diiwaangaliyey & Gudoomiye loo doortay.

By Abdi rashid

June 01, 2020

Muqdisho ( HM )-Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta diiwaan gelisay Xisbiga dowladda ee Nabad iyo Nolol, iyadoo laga guddoomay document-yada ka mid noqoshada Axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maalmaha soo socda guddoonsiin doona Xisbiga dowladda shahaadada aqoonsiga ee Xisbigan uu kaga mid noqonayo xisbiyada Siyaasada Wadanka ee ku tartamaya doorashada soo socota.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa waxaa laga dhigay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Waxaa weli kala caddeyn mowqifka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ee doorashada 2021, lamana oga doorka siyaasadeed ee labada nin ay kala qaadan doonaan.

Waxaa jira dood laga qabo sida Raisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay iskugu raaci karaan cida hogaamineysa xisbigan iyo musharaxa doorashada ku meteli doona Xisbigan Nabad iyo Nolol.

Dad badan ayaa Rumaysan hadii Raysal wasaaraha ama Madaxwaynaha uu midkood Hogaamiyo Xisbigan oo aysan iska garab ordin inay Guul ka gaadhi karaan doorashada.