WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo xasaanada laga qaaday

By xuseen waashitoon

December 28, 2021

Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Baydhabo ayaa xasaanada waxa ay uga qaadeen sadex Xildhibaan oo katirsanaa Baarlamaanka maamulkaasi.

Xafiiska Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dacwad kasoo gudbisay sadexdan Xildhibaan ee katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna xeer ilaalinta codsaday in xasaanada laga qaado xildhibaanadan si dacwad loogu soo oogo.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaana cod gacan taag ah ugu codeeyay in xasaanada laga qaado sadexda xildhibaan, waxaana ogolaaday in xasaanada laga qaado xildhibaanada 38-xildhibaan, waxaa diiday 10 halka ay ka aamuseen 15-xildhibaan.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday oo kala ah Xildhibaan Ismaacil Ahmed Cabdullahi , Xildhibaan Xasan Maxamed Guudow, iyo Xildhibaan ibraahim Macalin Cali ayaa lagu eedeeyay kicin bulsho iyo dambiyo kale.