WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan yeelanaya iyo Guddiyo la shaacin doono

By xuseen waashitoon

June 13, 2022

Maanta ayaa waxaa la filayaa inay Xarunta Villa Hargeysa kulan ku yeeshaan Xildhibaannada Golaha Shàcabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan Arrimo dhowr ah.

Shalay ayay Xildhibaannada labada Aqal yeesheen Kulan wadajir ah, kaas oo Wasaaradda Maaliyadda ay Xildhibaannada horgeysay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo Xildhibaannada shalay ku waregliyay in uu jiro kulanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in la Magacaabi doono guddi ku meel gaar ah oo Labada gole ka kooban kaas oo miisaaniyadda ka soo shaqeeya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay  in waqtiga aad loo ilaaliyo si xildhibaanada waqti fican ugu helaan ka doodida Ajendiyaasha markaa taagan kadib markii shalay Xildhibaannada ay soo xaadiri waayeen waqtigii loo baahnaa.