Guddiga Maamulka doorashooyinka Banaadiriga ayaa qabtay doorashada shanta kursi ay ku leeyihiin Golaha Shacabka, kuwaas oo ay dhamaan ku guuleysteen dad Cusub.
Kursiga Koowaad ee Hop#034 oo uu ku fadhiyah Khaalid Macoow Cabduqaadir ayaa waxaa ku guuleysatay Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistaa Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi.
Kursiga labaad ee Hop#105 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaankii 9aad Jeylaani Nuur Iikar, waxaana Maanta ku guuleystay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde
Kursiga Saddexaad ee Hop#266 oo ay ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maxamed (Jeeg)
Kursiga Afaraad ee Hop#084 oo ay ay ku fadhisay Fahma Axmed Nuur oo meesha laga saaray ayaa waxaa ku guuleystay Taliye kuxigeenkii Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji (Jeego)
Kursigii ugu dambeeyay ee kuraasta Beelaha Banaadiriga ee Hop#265 oo uu ku fadhiyay lufti Shariif Maxamed Cumar ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Nuur Abuukar.