Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo Maanta u Fadhiya Mooshin ka dhan ah Saldhiga Imaaraadka ee Berbera iyo Maamulka Siilaanyo oo Amankaagsan-Warbixin

Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ka doodaya mooshin ka dhan ah Saldhiga Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Magaalada Berbera, kaddib markii Guddoonka Baarlamaanka dhowaan loo gudbiyay mooshinka.

Mooshinkan oo todobaadyadii u dambeeyay diyaarintiisa ay ku howlanayeen Xildhibaano badan ayaa sida muuqata waxay sare u sii qaadi doontaa xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa horay uga digay heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee dekeda iyo dhismaha Saldhig Milateri, iyadoo Imaaraadka uu sii xoojinayo galaan-galkiisa ku aadan la macaamilka Maamulada dalka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in ajandaha kulanka maanta uu qeyb ka yahay mooshin laga keenay Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera, waxaana la filayaa in Xildhibaanada dood kulul ka yeeshaan, kaddibna gaba gabada ay noqoto mid cod loo qaado mooshinkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga soo hor-jeesatay heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ee saldhiga Milateri ee Berbera, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay heshiis halis ku ah Midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo bishii February booqasho rasmi ah ku tagay Sacuudiga, ayaa Madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlay sidii Imaaraadka carabta ugu qancin lahaayeen inay ka baaqsadaan saldhiga milateri ee ay ka dhisanayaan Berbera.

Maamulka Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa sheegay inay yihiin dal madax banaan oo xaq u leh in heshiisyo la galo Shirkadaha caalamiga ah.

Exit mobile version