WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho iyo Guddoonka oo ka hadlay

By xuseen waashitoon

November 15, 2022

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey, sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelada Marxuumka.

Xildhibaanka dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Nuur Sheekh Cadde, oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoonka iyo dhammaan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaanka,  Guddoonka Golaha ayaa ku tilmaamay in Xil. Maxamed Nuur uu qeyb weyn ka ahaa dowlad dhiska Dalka gaar ahaan mida Koonfur Galbeed, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay Maamulka iyo dowladihii hore ee dalka.

“Waxaan u rajeeyeen inta uu ka tagey Marxuumka oo kamid ah Ehellada, qaraabada, Asxaabta iyo Guud ahaan shacabka deegaanada KGS in Alle SW Samir iyo iimaan ka siiyo isagane uu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Guddoomka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.