WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

By xuseen waashitoon

March 18, 2023

Xildhibaan Maxamuud Maxamed loo yaqaanay Xildhibaan Sey-sey oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday saaka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Geerida Xildhibaan Sey-sey ayaa waxaa xaqiijisay Wasiirka Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay Ehel yihiin Xildhibaanka dhintay, waxaana marxuumka uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunayay Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Sey-sey, iyaga oo Alle uga baryay inuu janatul firdow ka waraabiyo.

Maxamuud Maxamed ayaa muddo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana deegaan doorashadiisa ay aheyd dowlad Goboleedka Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Jowhar.