Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xildhibaan Fiqi oo isku lifaaqay shaqadii Gen. Gabre ee Soomaaliya & Dowladda hada jirta-Akhriso

Muqdisho (HM) Xildhibaan Axmed Macalim FIQI oo kamid ah  Baarlmaaanka Somalia Islamarkaana Markasta Dhaliila Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in Shaqadii Gen. Gabre uu ka qaban jiray Soomaaliya ay  hada socoto Isagoo aan joogin sida uu hadalka u dhigay, Wuxuuna yidhi.

“Waxyaalaha madaxweyne Farmaajo uu ku faani jirey sanadkii 2017-kii waxaa ka mid aheyd in Gabre uu dalka ka eryey! Gabre dhiigyacab Macruuf ah oo danbiyo dagaal dalkaan ka geystey ayuu ahaa.. Eryid ka badan ayuu astaahiley laakin tallaabo wanaagsan ayey aheyd taas lafteedu.

Balse shaqadii Gabre Bilaa Gabre ayey Soomaaliya ka socotaa ee hala ii weydiiyo madaxweynaha shaqadaan yaa wada? Ma Gabre-Somali ayaa noo dhashay ka shaqo iyo xaasidnimo badan kii Itoobiyaanka ahaa?

Gabrihii Itoobiyaanka ahaa mudadii uu joogay muwaadin Soomaaliyeed dalka lagama dhoofin, doorashooyinka dawlad goboleedyada ciidamo itoobiyaan ah oo faragelin ku sameeya uma diri jirin, musharixiin tartamaysa midkoodna sooma xiri jirin, intaas waxaa dheer afkiisa lagama maqli jirin labada dal ayaa la isku darayaa ama dekedo ayaan rabnaa balse Gabre-Soomaali waxaas oo dhan waa u xalaal! Haddaba Gabre-Itoobiye waa baxey laakin xafiiskiisii weli shaqooyinkii waa wadaa weliba ayagoo ka baaxad weyn kuwii hore.

Gabrihii hore marka hawshiisa la dhaleeceeyo cidna ma jawaabi jirin hadda Gabraha cusub waxaa jawaabaya Villa Somalia, xildhibaanno iyo qaaqlayaal markii horeba u shaqeyn jirey Gabrihii hore.

Waxaa ayaandarro weyn in ciidamada qaranka oo dhisme ku jira in la tusiyo in ay ka burji iyo xoog weyn yihiin ciidamo ajnabi ah, oo lagu aamini waayo hawl amni oo ay ku filan yihiin in loo wacdo ciidamo Itoobiyaan ah oo aan wax itaal ah dheereyn, haddii kumandoostii, Booliskii iyo mileterigii Soomaaliya hal magaalo (Dh-mareeb) oo nabad ah amnigeeda lagu aamini waayey waxaan garan la’ahey meesha lagu aamini karo oo kale?

Ma la heli karaa cidda wadda shaqadii Gabre iyo halka xafiiskiisu ka furan yahay?

Exit mobile version