Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xiisad ka taagan Magaalada Laascaanood iyo faah faahin laga helay

Xiisad ayaa saaka ka aloosan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo xalay lagu dilay xildhibaan ka tirsan golaha degaanka Magaaladaas.

Dabley hubaysan ayaa xalay gurigiisa Laascaanood ku hor-dilay xildhibaan, Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe), sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay falka.

Dilka marxuumka ayaan cidna loo qaban, isla markaana aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta Somaliland u qaabilsan gobolka Sool.

Dadweynaha magaalada ayaa xalay sameeyay bannaanbax looga horjeedo maamulka Somaliland oo dadka qaarkood ku eedaynayan dilalka qorshaysan ee ka dhaca degmada Laascaanood.

Wararku waxay sheegayaan, in saaka gudaha Laascaanood lagu arkay dhalinyaro hubaysan oo ku hanjabaya in ay dagaal la geli doonaan ciidamada Somaliland.

Sidoo kale, waxa laga cabsi qabaa in magaalada uu ka dhaco kacdoon dadweyn oo ka dhan ah joogitaanka Somaliland.

Exit mobile version