WARARKA SOOMAALI

Xiisad ka taagan Magaalada Baraawe iyo qorshe socda oo qarka u saran inuu…

By xuseen waashitoon

June 05, 2022

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Xildhibaanada Golaha deegaanka Baraawe iyo maamulka degmada ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, iyadoona degmadaas ay ka taagan tahay xiisad.

Xildhibaanada Golaha deegaanka Baraawe ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha degmada Baraawe ku takrifal awoodeed iyo musuq-maasuq hantida dadweynaha, isla markaana uu ku howlan yahay shaqo aan aheyn tan degmada.

Sidoo kale waxaa socoda mooshin ka dhan ah guddoomiyaha degmada Baraawe, kaas oo ay wadaan xubno ka mid ah golaha deegaanka ee magaaladaasi oo sheegay inay doonayaan inay xilka ka tuuraan Guddoomiyaha oo ay eedeymo u jeediyeen.

Kal hore ayey aheyd markii khilaaf xoogan uu ka dhashay dhismihii Golaha deegaanka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in Maamulka Koonfur Galbeed uu wado dadaalo lagu xalinayo khilaafka.