WARARKA SOOMAALI

Xiisad ka taagan deegaan ka tirsan Galgaduud iyo Wararkii ugu dambeeyay

By xuseen waashitoon

December 11, 2021

Xiisad dagaal oo u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa weli ka taagan degaanka kaxan-dhaale ee hoostega degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayeen dagaalo xoogan.

Xiisada maleeshiyaadka dirirtu dhexmartay ayaa salka ku haaya dilal la xiriira aanooyin qabiil oo horey uga dhacay degaano hoostega degmada Balanbale, iyagoona dhinacyada isku hor-fadhiyaan goobihii dagaaladu ka dhaceen.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyooday in ka badan 10 qof, halka labaatameeyo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Dad ku sugan degmada Balanbale ayaa ku warramay in dhaawacyada la gaarsiiyey Isbitaalo ku yaalla degmooyinka Balanbale iyo Guriceel, iyadoona laga cabsi qabo in mar kale dagaal uu dhex qarxo maleeshiyo beeleedka hubeysan.

Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in Maamulka Galmudug uu Ciidamo kala dhex galo beelaha u dirayo degaanka kaxan-dhaale, si Colaada soo cusboonaatay loo joojiyo, isla markaana dhinacyada heshiis loo kala dhex dhigo.