Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xasan Shiikh Muxuu ka yidhi Maalinta Calanka Umadda Soomaaliyeed oo maanta ku asteysan?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Calanka Soomaaliyeed u diray dhamaan Umadda Soomaaliyeed.

Fariin qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu kaga hadlay maalinta qiimaha leh, isagoo xusay inay tahay maalin mudan xusuus iyo weyneyn.

“Maanta oo ah 12 October, waxay ku asteeysan tahay maalintii ugu horreeysay ee Calankeenna Soomaaliyeed gayiga laga taagay, Sannadkii 1954tii. Waa maalin inaga mudan xusuus iyo weyneeyn sidaa darteed, waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa maalintaan qiimaha innoo leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

“Calanka, waxaa naftooda u soo huray halyeeyo Soomaaliyeed anagana waxaa ina laga baahan yahay inaan muhiimadiisa dhowrno islamarkaana ilaalino, kana shaqeeyno Qarannimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”

“EEBBE, waxaan ka baryayaa Soomaaliya oo mid ah, xasilloon, hiigsatana horumar baaxad weyn.”

 

Exit mobile version