WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Dilka loo heysto Wiilkiisa

By xuseen waashitoon

December 14, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wiilkiisa curudka oo dhawaan shil gaari ku dilay nin Turki ah gudaha Magaalada Istanbuul.

Sida ay sheegtay Idaacada BBC-da Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay wakaalada wararka Mareykanka AP ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu wiilkiisu baxsad yahay.

“Waxba kama jiraan wiilkeyga kama cararin shilkii dhimashada keenay ee ka dhacay dalka Turkiga”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Mar uu sharaxaad dheeraad ah ka bixinayay wararka sheegaya inuu wiilkiisu dalka Turkey ka cararay taasoo warbaahinta iyo baraha bulshadaba aad looga hadal hayay asbuucii ugu danbeeyay ayuu qirey inuu wiilkiisu ka baxay turkiga balse aysan waxba ka jirin sida warka loo dhigay

Sidoo kale mar uu ka hadlayay in wiilkiisu shilka kadib isla hadleen ayuu ku jawaabay inay inuu kula taliyay wiilkiisa in uu dib ugu laabto Turkiga  kana gar baxo maxkamada.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud waa 40 jir dhaqtar ah sida uu madaxweynuhu cadeeyay,isagoo carabka ku adkeeyay inuu looyar qabsaday islamarkaana uu joogo Istanbul.