WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyay Safiir mudo xileedkiisa dhamaaday

By xuseen waashitoon

November 19, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah u sameeyay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Maj Gen (Rtd) Thomas Chepkuto, oo dhameystay muddo xileedkiisa danjirimo.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maj Gen (Rtd) Thomas Chepkuto ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ah adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya iyo gudashada waajibaadkiisa.

Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Maj. GenĀ  Thomas Chepkuto ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo guud ahaan dowlada Somalia sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu dalkiisa u joogay Muqdisho.

Kenya ayaa lagu wadaa iney dhowaan safiir cusub u soo magacowdo Somalia kaasoo bedelaya Safiirka waqtigiisu dhamaaday ee u fadhiyay Soomaaliya Maj. GenĀ  Thomas Chepkuto oo maalmaha soo socda ku laabanaya dalkiisa.