WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay Cali Guudlaawe, kadib markii…

By Xuseen Post

April 28, 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo booqasho ugu tagay.

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay xaaliddihii ugu dambeeyay ee dalka, sida rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo sida looga gudbi karo caqabadaha taagan.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle ku bogaadiyay go’aankii dhiiranaanta iyo geesinnimada lahaa ee uu ka qaatay siyaasadda cakiran ee doorashooyinka dalka.

Kulamada looga hadlayo dhacdooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo caqabadaha hareeyay doorashooyinka ayaa ka socon doona Magaalada Muqdisho, iyada oo saacadaha soo socsa ay Madax kale kulmi doonaan.