WARARKA SOOMAALI

Xarun Warbaahneed oo leeyihiin Al-shabaab oo duqeyn lagu burburiyey

By Xuseen Post

January 02, 2021

Weerar dhinaca cirka oo xalay ka dhacay Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu bartilmaameedsaday Xaruntii Idaacadda Andalus oo Al-shabaab ay ku leeyihiin degmadaas.

Andalus waa idaacad ku hadasha afka dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoono xarumo kala duwan ku leh Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya, isla markaana si toos ah u baahiyay wararka Shabaabka.

Duqeyntan ayuu burbur weyn ka soo gaaray dhismihii Idaacadda, halka qalabkii raadiyahana uu u muuqdo mid bas-beelay, sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Shabeellaha Hoose.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in saddex qof oo rayid ahi ay ku dhaawacantay duqeyntaasi, kuwaa oo ku sugnaa sida warka lagu sheegay guri ku dhow dhismihii idaacadda.

Shabaabka ma sheegin waxyeelada dhankooda ka soo gaartay duqeyntaasi, marka laga soo taggo in ay qirteen burbur weyn oo ka soo gaaray dhismaha idaacadda. Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada duqeyntantaas.