Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xaqiiqooyin aad u baahan tahay in aad ogaato kadib guusha Abiy.

Jigjiga (HM)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa Jimcadda maanta ah, waxaa lagu dhaawaqay in uu yahay guuleystaha 2019-ka ee abaalmarinta nabadda – Nobel Peace Prize.

Guddiga bixiya abaalmarintan oo xaruntiisu tahay Oslo, Norway, ayaa tilmaamay in ay ugu garteen doorka uu ka qaatay nabad-deynta Eritrea iyo olalihiisa ku aadan iskaashiga aduunka iyo gobolka.

Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka ayaa waxay ugu hambalyeeyeen Abiy guusha uu ka gaarey biladan oo uu kaga badiyey murashaxiin aad u badan.

Hadaba, waxaan  halkan kuugu soo gudbin doona afar xaqiiqo oo aad uga baahan tahay in aad ka ogaato guusha wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ee abaal-gudkan.

– Halka uu ka galayo guuleysteyaasha –

Abaalmarintan oo sanadkii 1995-tii uu sameeyay nin warshadiste ah una dhashay waddanka Sweden ayaa ah mid lagu dhiirogeliyo nabadda caalamka.

Abiy oo 2019-ka nasiib u yeeshay in uu hantiyo ayaa noqonayaa shaqsigii 100aad ee ku guuleysta abaalmarinta oo la siiyo shaqsiyaad iyo ururo caalami ah.

– Goorta la gudoon-siinayo –

Kadib rabshado salka ku haya qowmiyad, Abiy ayaa bishii April la wareegay xafiiska ra’iisul wasaaraha kadib is-casilaadii Hailemariam Desalegn. Dib-u-habeyn ayuuna sameeyay.

Jaa’izadan uu ku guuleystay ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejin doonaa 10-ka bisha December ee sanadkan kadib munaasabad lagu qaban doono Oslo.

– Taariikhda uu u sameeyay Itoobiya –

Inkasta oo lagu dhaliilo in uu la tacaalin mushkiladaha gudaha, wuxuu hirgeliyay dimoqraadiyad. Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Kadib guushan, Abiy ayaa wuxuu noqon doona qofkii ugu horeeyay ee Itoobiyaan ah, kaasi oo lagu qoro diiwaanka keydka ee biladda nadda ee Nobel Prize-ka.

– Yuu ka dul-qaaday? –

Murashaxiin dhan 301 ayaa u sharaxnaa in ay ku guuleystaan, kuwaasi oo 223 kamid ah ay shaqsiyaad ahaayeen, halka 78-da kalena ay yihiin ururo caalami ah.

Shaqsigii ugu cad-cadaa ee Abiy loolanka kula jirtay waa Greta Thunberg, taasi oo ah gabar yar oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha isbedelka cimiladda aduunka.

Isha. Garoowe Online

Exit mobile version