Warbixinada u dambeeyey ayaa waxaa ay muujinayaan in ugu yaraan 300 qof oo Israa’iiliyiin ah lagu dilay Duqeymaha Gantaalada iyo Weerarada tooska ee ay Dagaalamayaasha Xarakada Islaamiga ee XAMAAS ka geysteen gudaha Israel.
Wararka waxay kaloo sheegayaan in ka badan 1,500 oo Israa’iiliyiin ah lagu dhaawacay Duqeymahaasi
Dhinaca kale, diyaaradaha Dagaalka ee Israel ayaa weli sii wadaan Duqeymaha ay ku hayaan magaalladda Qasa ee Falastiin.
In ka badan 230 oo Muwaadiniinta Falastiin ayaa lagu dilay Duqeymaha qasa, halka ku-dhawaad 1,700 oo kalena dhaawacmeen.
Dhinaca kale RW Benjamin Netanyahu iyo xubnaha Golihiisa Wasiirada iyo Saraakiisha Milliteriga ayaa lagu kala cararay, xilli dhawaaqa Digniinta laga wada maqlay Caasimadda Israel ee Tel Aviv.
Isbitaalada magaalladda Qasa ayaa waxaa la geeyey maydadka 232 qof, halka ay 1,697 kalena yihiin kuwo ku dhaawacmay Duqeymaha ay Diyaaradaha Dagaalka Israel ku hayaan magaalladda Qasa oo bilaa Koronto ah.