Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Muumin Cilmi Iidow ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii Afhayeenimo ee uu haayay Maamulka Gobolkaas.
Cabdi Muumin oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku xaqiijiyay inuu xilka Afhayeenka Gobolka iska Casilay, isla markaana waxaa uu boggaadiyey Ciidanka la magac baxay Badbaabada Hiiraan ee la wareegay Xaruntii Maamulka Gobolka.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ka dhacay banaanbax xoogan oo looga horjeedo safar Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ku teagayo Baladweyne.