WARARKA SOOMAALI

Xaalad Deg-deg ah oo lagu soo rogay Gobalka Daarfuur ee dalka…

By Xuseen Post

April 06, 2021

Golaha Ammaanka iyo Difaaca ee dalka Sudan ayaa waxay ku dhawaaqeen Xukun Degdeg ah (A state of emergency) lag soo rogay Gobalka Galbeedka Daarfuur ee dalka Sudan.

Kulan Khaas ah oo ka dhacay Qasriga Jamhuuriga ee magaalladda Khartoum waxaa shir-guddoomiyey Madaxa Golaha KMG ee haya Talada Sudan, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-burhaan.

Xukunka Degdegga ee lagu soo rogay Galbeedka Gobalka Dafuur waxa uu awood dheer ah siinayaan Ciiddanka Dowladda Sudan inay qaadaan dhamaan Tallaabooyinka lama huraanka ee lagu xalinayo Colaadaha Qabaa’ilka ee ka socda Deegaanadaasi.

Kulankaasi kadub, Wasiirka Difaaca ee Sudan, Jeneral Yaasiin Ibraahim Yaasiin waxa uu shaaciyey in la dhisay Guddiga Sare oo awood buuxda la siiyey iyo inay wax ka qabtaan fal kasta oo xadgudub ku ah Heshiiska Nabadda.

Ugu yaraan 40 qof ayaa lau dilay, 60 kalena waa lagu dhaawacay dagaal-beeleed shalay ka qarxay magaalladda El-Jeneyna ee Gobalka Daarfuur.

Iska-horimaadkaasi waxa uu u dhexeeyey Maleeshiyada Qabiilka Carabta ee RIZEYGAT iyo Qabiilka MASALIT.

Dagaalkan oo ah kii ugu dambeeyey kadib, Heshiiskii Nabadda ee la saxiixday sanadkii hore ayaa waxa uu u muuqdaa inuu ka dhashay aano la xiriirta dabley hubeysan oo Sabtidii toogatay 2 qof oo ka soo jeeda Qabiilka MASALIT.

Bishii Janaayo, ugu yaraan 129 qof ayaa lag dilay dagaal dhex maray labada Qabiil, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyey Ciiddamo Xoojin ah la dhigay Caasimadda Gobalka Galbeedka Daarfuur ee El-jeneyna.