WARARKA SOOMAALI

Xaalad darran oo ka jirta Baladweyne & Qeylo-dhaanta Guddiga

By xuseen waashitoon

May 14, 2023

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta kulan la qaatay Hay’addaha Samafalka ee ku sugan Magalaada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Kulanka Gudiga Fatahaadaha iyo Hay’adaha Samafalka ayaa waxaa sidoo kale Aalada fogaan aragga kala soo qeybgalay Hay’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Samafalka iyo arrimaha bini’aadanimada, iyagoo ka arrinsaday xaalada fatahaaadaha ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ayaa tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto Magaalada Beledweyne waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay gurmad qaran si loo samatabixiyo dadka guryahooda ka soo barakacay iyadoo kulankaan uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Hiiraan ayaa waxaa ka taagan xaalad nololeed, kadib markii webiga shabeelle uu fatahaad xooggan uu ka sameeyay magaalada, isla markaana waxaa Baladweyne ka barakacay inta badan dadkii degnaa halkaas.