Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xaalad Cakiran oo ka jirta Magaalada Gaalkacyo iyo wararkii ugu dambeeyay

Waxaa saakay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka socda howlgal Culus oo ay wadaan Ciidamo badan oo ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland, sida aan xogta ku helnay.

Dad ku sugan Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamo isugu jira milateri, boolis iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ay wadaan howlgalka oo ka duwan, kuwii horey uga dhici jiray halkaas.

Ciidamada amniga ayaa baaritaano kala duwan ku saameynaya gaadiid noocyadiisa kala duwan iyo Xarumo bartilmaameed ah, waxaana howlgalka lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro oo looga shakiyay falal amni darro.

Inta badan goobaha Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo ayaa saakay la xiray, waxaana aad loo yareeyay dhaq-dhaqaaqyada xaafadaha qaarkood ee Magaalada, iyadoona xaalada cakiran ay ka jirto halkaas.

Saraakiisha ammmaanka Puntland weli faah faahin kama bixin baaritaanadaasi oo u jeedkooda lagu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Si kastaba Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii weerar is-maadiin ahaa uu ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay saraakiil sar sare iyo dad shacab ahaa oo soo dhaweynayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo halkaas tegay.

Exit mobile version