WARARKA SOOMAALI

Wufuud kala duwan oo kusoo qul-qulaya Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

By xuseen waashitoon

June 07, 2022

Waxaa Maanta oo talaado ah soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho wafuud ka kala socda dalalka Afrika iyo Caalamka, kuwaasi oo ka qeybgalaya caleema saarka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo la qorsheynayo in lagu qabto gudaha magaaladda.

Wafuudda ayaa waxaa ay ka kala imaanayaan dalalka deriska, iyo kuwa kale, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweynayay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in labada maalin ee socota ay soo gaaran Madax kala duwan, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in mgaalada Muqdisho ay ka dhacdo 9 bishaan oo ku beegsan maalinta khamiista ee todobadlkaan.