WARARKA SOOMAALI

WRA DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Baraawe

By xuseen waashitoon

September 06, 2022

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaas  goor dhow uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha ku yaalla Magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa sida la tilmaamay mid loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay boosteejada Koonyo Barow ee ku taalla Magaalada Baraawe, waxaana xilligaas ka jiray mashquul farabadan, lagana rarayey gaadiid kusii jeeday degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Dad ayaa kusoo warramay in qaraxa kadib Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada ay fureen rasaas xoogan, taasina ay dadka kusii diray Jahwareer xoogan, lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas dhacay.