WARARKA SOOMAALI

Wiil uu dhalay Fu’aad Shongole oo lagu xiray Costa Rica & Xogta laga helay

By xuseen waashitoon

April 10, 2023

Ciidanka Booliska dalka Costa Rica ayaa xiray, kadibna dalkooda ka masaafuriyey wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu dhalay Fu’aad Maxamed Qalad Shongole oo kamid ah hoggaamineyaasha dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Booliska ayaa caddeeyay in wiilka uu dhalay Fu’aad Shongole uu markii la qabanaayay ku safrayay magaca Lutrnan Warsame Farax, isla markaana magacaas uu deganaa hoteelo ku yaalla gudaha dalka Costa Rica oo uu doonayay inuu kasii safro.

Warbaahinta Costa Rica ayaa ku warrantay in Lutrnan Warsame oo la tilmaamay inuu yahay curadka Fu’aad Shongole uu watay aqoonsi iyo baasaboorka dalka Sweden, kaas oo uu leeyahay qof kale.

Ninkan oo ku jiray liiska dadka ay raadinayso FBI-da ayaa galay Costa Rica January 4, 2023, isaga oo isticmaalaya baasaboor uu leeyahay nin lagu magacaabo Luqman Abdiaziz. Lutrnan Warsame Faarax ayaa loo musaafuriyay dalka Guatemala ee Latin Amerika, isla-markaana xad laleh Mexico.

FBI-da ayaa ka digtay bishii Febraayo 2023 suurtagalnimada joogitaanka xubin ka tirsan Al-Shabaab ee Costa Rica, Faaraxna waxa uu ku jiray liiska FBI-da ee Xarunta Baarista Argagixisada.