WARARKA SOOMAALI

Wiil Cayilka lagu caayi jiray oo hadda kamid ah Dadka adduunka ugu xoogga weyn-Sawiro

By Abdi rashid

February 02, 2018

Cheick Ahmed al-Hassan Sanou oo u dhashay dalka Burkina Faso sanadkii 1992dii ayaa haatan ka mid noqday dadka ugu xogga weyn leh dunida iyadoo xilligii uu yaraa lagu ceyn jirey shuluqnimadiisa ama buuraantiisa.

Al-Hassan Sanou ayaa dhashay isagoo culeyskiisu yahay shan kiilo hase yeeshee markii uu 16 sano jir ahaa waxa uu culeyskiisu gaaray 122kg.

Wiilkan ayaa is arkay markii uu shan sano jir ahaa in uu ka duwan yahay carruurta ay walaalaha yihiin maadaama kuwii ka waaweynaa uu ka culeys badnaa.

Cheick waxaa uu marwalba jeclaa oo uu xiiseyn jirey ciyaaraha gaar ahaan orodada balse arrintaas ayaa ku noqotay mid aysan suurtogal ahayn.

“Waxaan doonayay inaan noqday orodyahan, xawaare ayaan ku ordi karayay balse waxaan ahaa qof culeys badan.”ayuu u sheegay BBC.

“Laakiin marwalba oo aan ordo jirkeyga ayaa ruxmayay carruurtana waa ay igu qosli jireen waxayna igu oran jireen wiilkii shuluqa ahaa , waxayna u iman jireen tartamada orodada inay igu maadeystaan laakiin aniga waan sii watay dadaalkeyga oo dheg jalaq uma siin.”ayuu sii raaciyay Sanou.

Waxaa ka sii darneyd in uu Sanou jeclaa ciyaaraha qalaama rogodka taas oo ahayd mid weligii uu ku taamayay,hase yeeshee waxa ay wax walba isbedeleen markii wiil ay isku da’ ahaayeen uu aflagaadeeyay balse Sanou ayaa ka carooday wuuna kala tuuray wiilkii.balse wiilkii ayaa qolka ay ku jireen geeskiisa kale ku dhacay waxana uu ogaaday inuu leeyahay awood gaar ah.

Balse waxa uu Sanou waxbarasho dugsi sare u aaday wadanka Canada sanadkii 2009kii isagoo 17 jir ah,waxana uu ka mid noqday ciyaartoyda dugsigii uu wax ka baran jirey gaar ahaan ciyaarta kubbada koleyga halkaa ayuuna jirkiisii ku dhismay oo uu ku noqday nin xoog weyn.

Xilligii uu galay jaamacada ayuu arkay Cheik in ay u fududahay alaabta taal qolka jimicsiga jaamacada oo dhamaantood si sahlan uu u qaadi karay.

Markii ugu horeysay ayuu galay tartanka qaadida culeyska 2013kii waana uu ku guuleystey kadibna si isdaba joog ah ayuu guulo u gaarayay isagoo dhamaadkii sanadkaaba noqday horyaalka qaranka ee qaadista culeyska.

“Qorshahaygu waa inaan noqdaa qofka dunida ugu xoogga weyn leh oo aan wadankaya Burkina Faso uu ku guuleysto billadaas,”ayuu yiri wiilkaan shuluqa ahaa oo isu bedelay nin xoog weyn leh.