Site icon HORUFADHI MEDIA |

Weriye Caan ah oo ku dhintay duqaymaha Israa’iil ka wado…

Wariye u dhashay Falastiin ayaa ka mid ahaa dadkii lagu diley duqeynta dhanka hawada ee Israa’iil ay ka fulisay magaalada Gaza xalay, sidaasi waxaa qortay wakaalada wararka ee Wafa ee ka howl gasha Falastiin.

Yusuf Abu Hussein, oo ahaa wariye ka hawl gala raadiyo la yiraahdo Al-Aqsa Voice, ayaa geeriyooday markii diyaarado dagaal ay weerareen guri u dhaw xabaalaha Sheikh Radwan oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaza, sida ay wakaalada Wafa sheegtay.

Waxaa sidoo kale ku dhintay duqaymaha saddex qof oo ra’yid ah.

Wariyaha BBC-da ee Rushdi Abualouf oo ku sugan Gaza ayaa lagu wargaliyey in laba maleeshiyo ay dileen markii diyaaradaha dagaalka ay bartilmaameed sadeen guri ku yaalla magaalada Gaza.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in haweeney dhaawac uu kasoo gaarey wadmaha ay dhimatey, markii agagaarka gurigeeda lala beegsaday gantaallo.

Wakaalada wararka ee Wafa, ayaa sheegtay in duqeynta ay bartilmaameed u aheyd agagaarka al-Katibah oo ku taalla Khan Younis.Article share tools

Exit mobile version