Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka oo dhan laga bilaabay qaadashada qeybta labaad ee tallaalka looga hortegayo Cudurka halista ah Covid-19.
War qoraal ah oo ay soo saareen Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in la adkeeyo wacyigelinta ku aadan adkeynta nadaafadda,gaar ahaan qaadashada af-xirka iyo kala fogaanshaha dadka.
Qoraalkaan ayaa lagu xusay in dadka aan weli qaadan taallaalkii qeybtii hore loo diyaariyay tallaal cusub oo lagu magacaabo Sinoofam, kaas oo WHO ay u aqoonsatay in loo isticmaali karo ka hortagga Covid 19.
Tallaalkii ugu horreeyay ee Cudurka COVID-19 ee dalka horey u soo gaaray ayaa waxaa qaatay inta badan Mas’uuliyiin dalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Muqdisho iyo Magaalooyinka dowlad Goboleedyada dalka.