WARARKA SOOMAALI

Weerar saaka ka dhacay Muqdisho & Ninkii ka danbeeyay oo la qabtay

By xuseen waashitoon

May 14, 2023

Ciidanka Booliska degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa saaka gacanta ku dhigay Nin weerar Bam gacmeed loo adeegsaday ku qaaday bar-koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin xaafadda Jaamacadaha ee degmadaas.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa laga soo xigtay in howlgal ay ciidanka ammaanka ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Hodan ay kusoo qabteen ninkii ka danbeeyay Bam gacmeedka lagu weeraray saakay barta-koontarool ee ciidanka.

Wararka qaar ayaa intaas kusii daraya in ciidanka ay sidoo kale gacanta ku dhigeen laba haween ah oo la tilmaamay inay ninka la qabtay kala shaqeeyeen weerarka uu geystay, kuwaasi oo haatan ku xiran saldhig ay leeyihiin Ciidanka dowladda.

Laamaha ammaanka ayaa haatan baaritaano dheeraad ah ku wada ninka iyo labada haween kale oo laga soo qabtay iyaguna degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, kadib howlgal kale oo la sheegay inay ciidanka amniga fuliyeen weerarka saaka kadib.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga dareemayaa deganaansho amni, kadib markii dhawaan amniga lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.