Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Weerar Naxdin leh oo xalay ka dhacay degaan ka tirsan Mudug

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug gaar ahaan duleedka deegaanka Saax-qurun oo hoostega Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dilay dad isku qoys ahaa.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa weerarka ku qaaday dad isku qoys ah oo isugu jiray 2 Caruur ah iyo Aabahood oo ku sugnaa guri ay lahaayeen oo ku yaalla duleedka deegaanka Saax-qurun ee Mudug dhinaca Maamulka Galmudug.

Inta la xaqiijiyay laba Carruur iyo Aabahood oo lagu magacaabi jiray Xasan Diiriye Cilmi Waalid ayaa ku geeriyooday weerarka oo loo adeegsaday qori AK-47, isla markaana waxaa uu ku dhaawacmay wiil yar oo 8-sanno jir ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacay weeraro lagu dilay dad isku qoys ahaa iyo dad kale, waxaana inta badan falalkaas dhacayay ay salka ku haayeen aanooyin qabiil.

Exit mobile version