Weerarkaasi bambaano ayaa waxaa xalay lagu qaaday Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.
Goobta weerarka Bambaano lagu qaaday ayaa waxaa ay ku taal dhanka galbeed wadada aada magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana dadka ugu badan ee wax ku noqday ay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.
Gooboogayaal ayaa waxaa ay sheegen in ilaa Shan askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo ku sugnaa Barta-koontorool, isla markaana weerarka kadib la maqlay rasaas farabadan oo ciidamada ay rideen.
Askarta ku dhaawacantay weerarkaasi ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Walanweyn si loogu daweeyo, waxana la sheegay in weerarkasi kadib ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay weerarkaas.
Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kajiray xaalado amn I darro oo ay ugu weyn tahay dagaalo laba maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray Gudaha iyo daafaha degmada Walanweyn.